Ayene

Ururka dhalinta KGS

Waxaan nahay hormuudka iyo isku xirka dhamaan dhalinta waxbaratay, damiirka leh, midnimada jecel oo ka soo jeeda koonfurgalbeed Somalia. Maanta waxaa nagu kalafay inaan urur siyaasadeed oo dhalinyaro hogaan ka tahay aan yeelano, sababtoo ah dhibaatada wayn oo xiligaan loo qabo.

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhalinyarada inta danaynaysa siyaasada, hormarka iyo wadajirka reer konfurgalbeed inay xubin buuxda ay ka noqon karaan, kadib marka ay soo buuxiyaan shuruudaha aan dib ka soo sheegi doono.

Dhalinyarooy waxaad tihiin hogaamiyaasha barito badeli doona odayaasha calooshoda u shaqaystayaasha ah kuwaas oo maanta dowlada dhexe noo jooga, waxaan rabnaa inaan yeelanoo dhalinyaro geesiyaal ah goaan adagna leh oo aan wax gorgortan ah aan kagali karin qadiyada KGS inay federaal noqoto.